dabcan waxaad hada la yaabee sida aad u martiqaadeysid qof aad guri ku wada nooshihiin maahan? 

Martiqaad waxaan ka wadaa in maalinka qofkaan dhashay, maalinka aad is barateen, maalinka aad is guursateen, maalinka xaaskaaga ay yeelatay uurka ilmahiina kuwood, waa in aad adiga maalinkaas qaddo ama casho la yaab leh sameeysid, oo raashin macaan oo aan horay indho looga qaadin aad diyaarisid. Isla markaas aad warqad ugu qortid oo u dirtid qofka amaba tusaale kale aad ku martiqaadid adigoo sheegaa sababta martiqaadkaaga in aad maqaayad ku martiqaadid. Xaas ayada markasta raashinka diyarisa waxaa muhiim ah in ay maalinkaas guriga iyo alaabtiisa, khaas ahaan qolka jiifka, iyo labiskeeda ay bedesho.

Isla markaasna raashin aysan weli horay u sameeynin ay sameeyo, si ay kala duwanaashaha maalmaha caadiga ah iyo maalinkaan u muujiso.Tan kale oo martiqaadkaan halka maalin ah kasii macaan waxeey tahay in qofka aad ku wargelisid in aad aadeeysaan dalxiis hal asbuuc ah, markii ay shaqada iyo iskuulaadka wada xiranyihiin. (khaas ahaan jaaniskaan waxaan u doorbidi lahaa Ragga, oo ayaga inta badan aan awoodin waxyaabaha kale si ay farxoodo ama kalsoonida xaasaskooda ku qabaan ay joogto u ahaato). 

Hoos ku qor Rayigaaga

Post a Comment

 
Top