Somalidu waxaa lagu tiriyaa iney ka mid yihiin dadyowga dunida ee aad u xiiseeya siyaasada dabiici ahaan.
Xirfad walboo uu ka soo baxo , shakhsiga somaliga waa u caado joogto ah ka hadalka iyo xiiseynta siyaasadda gudaha iyo caalamkaba.

Waxa dhacda in nin aan weligii wax akhrin ee xamaasaha , haddana galabtii shanta iyo barka raadidye yar garabka u saaran tahay oo BBCda afsomaliga dhegeysanaya. caalamka intiisa kale waxaa caado ah in shakhsi walba uu kala socdo dhacdooyinkadunida warbaahinta maalin walba laakiinse uu ku mashquulo hawlhihiisa gaarka ah . Waxa keliya waqti dheer ku bixiya siyaasaddda iyo falanqeynteeda waa dadka u dadka u kuur gala siyaasadda ama hawshoodu tahay waxyaabaha siyaasadda qusaya sida Diblomaasiyiinta , Siyaasiyiinta , Suxufiyiinta , Qoreyaasha IWM.

Waxa nasiib darrose ah in ayadoo aan si xoog leh ihtimaam u siino siyaasadda haddana badankeenfahmin mecnaha Qaran , hawlaha madaxweynaha iyo waajibaadkiisa, xoogga isku haya qaranka iyo siyaasadda

Xukunkasta oo soomaalida soomara wuxuu leeyahay mahadhooyin
Mid ay soomaalidu mahadisana ma jiro
Madaxweyne ay tidhaahdo wuu noo fiican yahay ee noo daaya ma jiro
Dadku miyeysan madax wanaagsan ka dhalinin , bal waydii qof saaxiibkaaga ah oo ku dheh ka waran madaxweynaheena waxaad ka dareemi inuusan raali ka ahayn , hadii uu ku yidhaahdana raali baan ka ahay ka dib u fiiri inay isku qabiil yihiin .....
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com
Next
This is the most recent post.
Previous
Older Post

Post a Comment

 
Top