Ninka layraadho Michael H. Hart oo ah barafsoor u dhashay wadanka Maraykanka, ee qoray buuga caanka ah ee layiraahdo ‘ The 100 A ranking of the most Influantial persons In history’. Buugani waxa uu ka sheekaynayaa boqolkii nin ee aduunyada ugu taariikhda dheera, aduunkana wax ka bedelay ama saamayn wayn ku yeeshay. Buugiisa raga uu ku qoray waxaa kamid ah, Saynisyahano aduunka caanka ah, anbiyada Illaahy qaar kamida iyo rag badan oo taariikhda aduunka lagu xuso. Ninka ugu horeeya ee uu udoortay in uu yahay ninka taariikhda aduunka wax isagoo kale ah aaanay soo marinn waa Nebigeena Muxamad (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee). Hart, waxa uu buugiisa ku yiri sidan hoos ku qoran:
Doorashadayda aan Muxamad u doortay in aan ugu horeysiiyo liiska dadkii aduunka saamaynta ku yeeshay, qaar badan oo buugayga akhriyi doonaa lama filaan ayeey ku noqonaysaa, qaarkalena su’aalo ayeeyba ka keeni doonaan , laakiin wuxuu ahaa ninka keliya ee taariikhda aduunak si awood leh ugu guulaystay dhinaca diinta iyo maadigaba(aduunka)

Post a Comment

 
Top