wiil yar ayaa la kulmay nin gabayaa ah oo caan ahaa oo la odhan jiray Abu calaa,inankii yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii kumaad tahay?gabayaagii wuxuu ku jawaabay waxan ahay gabayaagiinii caanka ahaa ee Abu-calaa,inankii yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii ma waxaad tahay ninkii ku yidhi gabeygiisa *hadii aan ugu danbeyn lahaa samankeyga,waxaan la iman lahaa wax aanay la iman dadkii iga horeeyey. Gabayaagii wuxuu yidhi haa,wiilkii yaraa wuxuu ku celiyey adeerow dadkii hore 28 xaraf bay u dejiyeen higaada bal adigu ku dar hal xaraf, gabayaagii wuu aamusay waanay ku adkaatay inuu ka jawaabo su,aashii , waxaa kaloo la sheegaa in nin u yimid inan yar oo maskax fiican wuxuuna ku yidhi:Alle maxaa ka horeeya? Wiilkii wuxuu yidhi si aan kaaga jawaabo su,aashaada tiri kow ilaa toban(1-10),ninkii markii uu tiradi bilaanbay ayuu inankii yaraa yidhi adeer kow maxaa ka horeeya ninki jawaabtii way ku adkaatay,dabadeed kii yaraa wuxuu yidhi hadaba sida aan kow waxba uga horeyn ayaan alle waxbana ugu horeyn waxbana ugu danbeyn,guud ahaan waxaynu ka fahmeynaa tusaalayaashan quruxda ay leedahay maskxada alle ku siiyey oo laga faa,iideysto,hadaba marka aad dadka kala kulanto arrimo aadan ka filaneyn adeegso masxkada wanaagsan

Hoos ku qor faalooyin

Post a Comment

 
Top