WQ: Farhan Hussein Elmi {Sultan}
2011-06-10

Waxaa dadka qaar maskaxdooda ku soo degdegi karta qabow ayuu u dhintay.:
laakiin talaajada waa ay dansanayd korontana uma xariirsanayn qabowna malahayn hawa dabiici ahna waa ay lahayd.
ma uusan u dhiman wax aan ahayn {ismoodsiin} iyo iska dhaadhicn fikrad qalad ah,

waxuu iska dhaadhiciyay, in talaajada markuu ku jiray  jawigu aad u qaboobaa, digriigeeduna ebar  ka hoosayso, uuna dhiman doono.
iska dhaadhicntaas waxa ay ka dhigtay jaangoynta mustaqbalkisii, iyo dhimashadiisii dhabta  ahayd.
"tan waxa  ay isoo xasuusinaysaa. sheeka somaliyeedka oranaysa".

Beri ayaa waxaa aad u xanuunsatay islaan meelkasta lagee, waa ay caafimaadi waysay,"waxa ay tiri" ha la iigu yeero seygeyga. kadib markiii loogu yeeray, "waxa ay ku tiri", aniga isbitaalkaan iyo waxaan kale ee   aad wadiin iga dhaafa, aniga waxan ku caafimaadayaa. tufta(tahliilsha) wadaad fulaan {hebal}. ninkeedii waa uu ka aqbalay. wuuna baxay,  muda markii uu  ka maqnaa,  ayuu  dib ugu soo laabtay isagoo sida biyo caadi ah,  wuxuuna  uga dhigay tahliishii  wadaadkii, ay sheegatay  in uu soo tufay. maxaa yeelay ma uusan aadin wadaadkii.
 islaantii tahliishii ayaa lasiiyay, markii ay isku hubsatay, wax yarna joogtay " waxa ay tiri ", neef weyn inta kasoo fuqday ,,, aaaah waan ku nafisay waana ku caafimaaday tahliishii wadaadka!!! ilaahay wadaadka kheyr hasiiyo.  aniga soo hore idin kuguma sheegin in aan tahliisha  wadaadka ku caafimaadayo!.

Bilowgii usoo if bixii dunida nuurka islaamka diinteena suuban waxa ay  basharka aad ugu boorisay  kuna dhiiri galisay, in ay fakaraan. waxa ayna muhiimad gaar ah siisay fakarka cibaadada kahor.
in kabadan 160" ayadood oo qur,aanka ku jira ayaa kahadlaya fakarka.
waxa ay ku dhawaatay in waajib laga dhigo in uu qofkasta fakaro.
dhamaan ayadahaas waxa ay ka hadlayaan in aynu u fakarno si wanaagsan ka shaqaysiino maskaxdeena aad ugu fiirfiirsano habdhismeedka nafteena iyo koonkaan aynu ku dhex noolnahay ee sida dirinta oo kale inta loo fidiyay dhakowyana dhinacyada looga qabtay badana geesaha looga xeeray saqafna dusha laga saaray iyo makhluuqadka ku dhex hoyda nool iyo ma noole, iyo in aynu daboolka ka qaadno awoodaha gudaheena ku jira.

 "nin caalim ah ayaa waxa uu ku calaacalay"
 low ay dadka ogaan lahaayeen waxa awood gudohooda ku jira, waxa ay daboolka ka qaadi lahaayeen waxbadan oo aadanaha ka qarsoon maanta.

"Waxa uu yiri" khaliifatu cumar bin cabdal casiis. nimcooyinka alle oo lagu fakaraa, waa cibaadooyinka kuwooda ugu wanaaagsan.

waxaa jiro laba hab oo ay u fakaraan aadanah kuwaas oo kala ah;
1- THINK  POSITIVE,  (fakarid wanaagsan.)
2-  THINK Negative,  (fakarid xun.)

kuwaas oo saamayn xoogan ku leh caqlu (baadinka) ama caqliga gudaha.
insaaanka waxa uu leeyahay hal caqli laakiin laba shaqo oo kala duwan qabta.
 (caqli waaci) ama  caqliga soojeeda,  kaas oo ah kan taxliiliya ama maareeya dhacdooyinka maalinlaha ah, iyo waxa ay arkaan dareemayaasha sida isha dhagta iwm.

Kan kale oo lagu magacaabo (caqlubadin) ama caqliga gudaha kan waa midka xafida datooyinka, ama xogaha aad xambaarsantahay, ee maskaxdaada ka buuxa ama waa kan loo dhiibo dokumenti kasta oo aad rabtid in aadan lumin maskaxdana ku haysid, kan waxaa wax loogu dhiibaa ku celcelin farabadan iyo in aad ka dhaadhicisid,  waxa aad u sheegaysid.
 mudo marka aad ka dhaadhicisid kadib ayuu aqbalayaa mar haduu aqbalana waa ay adag tahay sida uu ku sii daayo,


 tusaale hadii aad u  fakartid si wanaagsan oo aad caqliga gudaha ka dhaadhicisid in aad tahay qof wanaagsan xaqiijin kara guusha, wax walbana  awooda in  uu samayn karo, taasna aad ogtahay in ay u baahantahay oo kaliya;
1- in aad habka aad u fakaraysid wanaajisid.

2-in aad qorshaysid waxa aad ku fakaraysid si aad u xaqiijisid guusha fakarkaaga.
3-in aad alle tala saaratid.
4- in aad ka dhaadhicisid caqliga gudaha, adigoo ka digton in aad ku isticmaaashid hadaladaada,
 weero xun xun.

 ufiirso labaadan tusaale:
anigu ma guuldaraysanyo-
 anigu waan guulaysanayaa-
 inkastoo labada jumlo ay tilmamayaan hal macno, laakiin jumlada koowaad, waa jumla xun, sida uu sheegayo, "Dr Tariq al-sweidan," oo ah khabiir ku xeel dheer culuunta kobcinta basharka,
 maxa yeelay caqliga waxa uu sawiranayaa isla markiiba guuldaraysi.

 "Anigu maguuldaraysanayo" mayaysan ka fiicnayn aqriste in aynu dhahno {anigu waan guulaysanayaa}
dheh waan guulaysanayaa, ama eray kasta oo aad rabtid in aad ka dhaaadhicisid caqliga gudaha. adigoo kaligaa ah kuna raaxaysanaya, codkana ismaqiishanaya ilaa iyo mudo 5daqiiqo ah.
 Waad gaaraysaa insha allah, in aad wax walba awoodid guushana si sahal ah ku xaqiijisid, taas kuma xirna hanitida aad haysatid yaraanteda iyo badnaanteeda, laakiin waxa ay ku xirantahay sida aad  ka dhigtid  fakarkaaga, dadka waa ay ku kala duwan yiiin hantida  duruufaha, laakiin fakarka iyo waqtiga waa ay kawada siman yihiin, waana hanti ama ra'sumaalka dhabt ah, uu haysto faqiirka iyo hodanka.

Dhanka kale hadii aad  u fakartid si xun, oo aad ka  dhaadhicisid caqliga gudaha marwalba  in aad guuldaraysanayso,  qasaarayso,  kugu jirto cabsi, wal wal, walbahaar, naxdin, qalqal. naftaada uga sheekaysid dhankasta oo  xun, isticmaashid erayada quusta. sida (ma awoodi) (ma samayn kari) ma baran kari) (ma isku dayi kari) taas waxa ay laban laaabaysaa murugtaada, waxa ay quus galinaysaa noloshaada, waxa ay fashil  ku keenaysaa hadafkaaga, waxa ay mugdi galinaysaa aaayatiinkaaga danbe, maxaa yeeelay marwalba oo aad u fakartid si xun waxa ay saamayn xoogan ku yeelanaysaa caqliga gudaha.

Xusuusnow markasta aqristaha sharafta badanow,  "noloshaada waa sida aad ka dhigtid fikirkaaga".

Imisa ayaad maqashay ama taqaan iyagoo oranaya waxaan ku fakari jirnay markii aan  yarayn in aan noqono sidaas iyo sidaas, kadib markii ay  gaareen waxa ay ku fakari jireen.
xusuusnaw hadalkii Steven Covey buugiisa (Eight habits)  dadka xanbaarsan fikirada ugu waaweyn ee leh caqliga ugu weyn, waxaa ka joojin kara am aka hor istaagi kara fulinta fikiradaas dadka xanbaarsan  fikirka ugu liita, isla markaasna ugu caqliga gaaban., 

Post a Comment

 
Top