(وَمِنْ آَيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ) [الروم: 21].

Ilaahay aayaatkiisa Waxaa kamid ah, inuu idinka naftiina idinka abuuray xaasaskiina si aad ugu xasishaan iyaga, wuxuuna dhexdiina yeelay kalgaceyl iyo naxariis,kuwaasina waa calaamaat u ahaaday qowm(dad) fakaraya. Sidoo kale rasuulkeena muxammed (NNKH), wuxuu noo sheegay midka ama ninka uggu akhyaarsan dhexdeena waa kan ugu wanaagsan reerkiisa (xaaskiisa). Galkaceylka dhabta ee nagaada waa midka ku dhisan akhlaaqda wanaagsan waana kan yimaada markay labada qof is guursadaan oo nolosha wadaagaan, sidaad cinwaankaba ka dheehan kartaan waa kasbashada jaceylka xaaskaaga ee maahan gabadhaad guursan doontid ALLAH waxaan kabaryayaa inuu qoysaska muslimiintaa ee soomaaliyeed ku anfaco anigana miisaanka xasanaadka maalin danbe iigu daro.


1. Dareensii in ammaankeedu suganyahayay.
2. Kusalaam Salaamta islaamka marwalboo aad guriga soo gashid.
3. Ugu naxariiso qawlka {hadalka} iyo waxqabadka [Hawlaha].
4. Waligaa dadka dhexdooda hakula hadlin sida Canaan.
5. Unoqo deeqsi xaaskaaga[qalbiga iyo gacantaba].
6. Ufidi gogosha ama fadhiga markay rabto inay kula soo fariisato adoo soodhaweeysanaya.
7. Kafogow iskana ilaali carada [inaad xaaskaaga ucarootid dhawro weesada ].
8. Muuqaalkaaga wanaaji {sida labiskaaga iyo udugaaga}.
9. Iska ilaali qalafsanaanta adoo raganimo uqaba aad xaaskaaga ku qalafsanaatid.
10. Dhagayso oo maqal markay dhib kuu sheeganayso adoo naxariis umuujinaya .
11. Laqaadaa dhig sheekada,iskana fogee inaad murantaan.
12. Ugu yeer magacey jeceshahay in loogu yeero.
13. Uhadyadee wakhtiyada qaar waxayaalahay daneyso inay hesho.
14. Carabkaaga kadhawr xumaha kana fiirso oraahdaad dhahaysid.
15. Qof walba iin buu leeyahay, ku tala gal iintaada hana diidin, intaad kahortagi kartidna ku dadaal.
16. Umahadceli marwalba oo ay wax kuu qabato, adoo dareensiinaya inaad ladhacsantahay.
17. Xiriiri qaraabada, {teeda iyo taadaba} Kuna waani inay hooyo kaduceysato.
18. Uga sheekee ama kala niqaash mawduucyaday jeceshahay in laga hadlo.
19. Usheeg qoyskeeda wanaageeda iyo inay tahay qof heersare ah.
20. Isku hadyeeya waad is jeclaaneysaane, sii hadyado qiima leh xaaskaaga.
21. Jawiga {hawada} ubadal tusaale, gee meela qurxoon adoo nafsadeeda uxiisa galinaya meeshaad geynayso.

22. Kudadaal malaha wanaagsan, waxay kordhinaysaa kalsoonida xaaskaaga.
23. Ha sii raacraacin khaladaadka kadhaca xaaskaaga, iska dhig mid ilowsan, ama aan maqlin ama aanan arkin.

24. Muuji feejignaan dheeraad ah xilliyada uurka ama caadada, si khaladaad aysan udhicin.
25. tix gali jamashadeeda, si aad kukasbatid jaceylka xaaskaaga.
26. Iska dhawr inaad iskala waynaato xaaskaaga, umuuji ATTAWAADUC (dhimrin,naxariis,dulqaad IWM).

27. Ka feejignoow inaad masuuliyadaada iyo xaqeeda ilowdid, adoo raali galinaya saaxiibadaa.
28. Laqabo hawsha, dareensii inaad caawinteeda marwalba diyaar utahay.
29. Raali gali waalidiintaada, xaaskaagana ku caawi inay axsaan/asxaan ufasho waalidiinteeda.
30. Dareensii adoo usheegaya inay tahay marwo kudayasho mudan, dadkana ay utahay dariiqii ay soo Mari lahaayeen.
31. Uducee xaaskaaga adoo maqashiinaya, siiba meelaha aadka ugu habon sida idinkoo dalxiis kuxjira ama salaad kabaxay. 32. Waligaa haku dhaleecayn/eedeyn wax tagay oo ay sameysay.
33. Iska ilaali inaad ugu manna sheegatid irzaaqada ilaahay idin siiyo inaad adigu keentid.
34. Iska dhawr inaad xaaskaaga kalmad xun kudhahdid, waxay sababi kartaa kala tagiina..
35. Ufaraxsanoow,udhoola cadee xaaskaaga marwalboo aad utimaadid ama aad lajoogtid.
36. Dhawr nadaafadda gurigaad kuwada nooshihiin, Dhankaaga qaad qashinka ama wasakhda.
37. Unoqo mid qalbi furan, ha noqon mid qalbi adag.

38. Tixgali fikirkeeda, tus inaad jeceshahay fikradeeda.

39. Kucaawi inay waxyaalo badan qabato kuna dhiiri gali inay wax qabad muujiso.
40. Tixgali dareenkeeda xilliyada kala duwan, sida Markey xanuunsantahay.
41. Ku caawi ilaalinta caruurta yaryar ee ay kuu dhasho, waxay kordhinaysaa isjacaylkiina.
42. Umahadceli oo ammaan, una sheeg inay tahay naruuro ilaahay ku waafajiyay.
43. Kudhiiro marwalba inaad xaaskaaga lacunteysid, cuntadana gacantaada kusiisid.
44. Lasocodsii safaradaada, kahor intaadan safrin{socdaalin} iyo immaan shahaaga.
45. kafogow mawduucyada ama doodaha dhalin kara muranka .

46. Ilaali{dhawr}, xogaha khaaskaa ee gurigiina iyo waliba xaaskaaga .
47. lawadaag, kudadaal, kuna dhiiri gali inaad wada cibaadeysataan sida inaad wada aadaan xajka iyo cumrooyinka.

48. Kula nooloow si raxariis iyo qaboow ku jidho, si aysan marnaba kaaga fogaan.
49. Ula dhaqan si wanaagsanaan kujirto,cadaalad iyo dhaqan wanaagsan.
50. Dhunko xaaskaaga xilliyada aad katagaysid, u imaanaysid iyo wakhtiyada kaleba.
51. Waxa idin dhexmara adiga iyo xaaskaaga iska ilaali inay kudhaafaan.
52. Kudadaal caafimaadka xaaskaaga,caafimaadkeedu waa caafimaadkaaga.
53. Kafogow cudurka ah inaad ismoodid marwalba inaad saxantahay.
54. farxadaada iyo murugooyinkaaga lawadaag xaaskaaga adoo kubeerlaxawsanaya.
55. Ugu dhimro{naxariiso} meelahay kuliidato kana caawi siday uga kaban lahayd meelahaas.
56. Usheeg marwalba inaad taagantahay garabkeeda aadna aad ujeceshahay.
57. Tanaasulid badan usamee si ay kuu tixgaliso inbadan, jacaylkeedana kukasbatid{hanatid}.
58. Niyadaada uwanaaji, teedana wanaaji, hana kuu noqoto mid aad kudagtid.

Gabagabo. Waxay ammaan iyo dahirnaan usugnaatay allah subxaanahu watacaalaa,naxariis iyo nabad galyo eebbe korkiisa hayeelo nabigeenna suuban muxammed(SCW}. Waxaa NASAHAN Allah, oo iwaafajiyay inaan qoro qoraalkaan yarkaa, anoo rajaynaya inuu ilaaahay sabab uga dhigo nagaanshaha qoysas badan oo muslimiin ah. Waxaan kaa codsanayaa inaad iisoo gudbisid khaladaadka dhanka luuqada ka ahaadey adigoo iga saxaya, rabbi hanaga dhigo kuwa xaqa fahma kuna dhaqma.
MAHADSANIDIIN.
Waxaa turjumay:      Dr. Ahmed Ibrahim mohamed

Post a Comment

 
Top