Yugaandha ama Jamhuuriyadda Yugaandha, Waa waddan Dhex kujir ah oo ku yaalla bariga Afrika. Yugaandha waxay daris la tahay wadamada Kiinya,Suudaan,Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Kongo,Ruwanda,Taansaaniyaiyo warta Fiktoriya. Magaca Yugaandha waxoo ka yimid boqorkii la dhihi jiray (Bugaandha) oo ka tali jiray waddanka koonfurtiisa u danbaysa.

Taariikh

Taariikh ahaan, dadka Ugaandhiiska waxa ay ahaayeen dad waranleey ah; koonfurta yugaandha waxaa deggenaan jiray dadka ku hadlo afka jareerta oo beeraleey ah; yugaandha waxaa ku badan ajaanibta. Waddanka waxaa ka soo tali jiray boqorkii la dhihi jiray (Bugandha).

Wakhtigii Guumeysiga
intii ee gumeestiyaashii yurubiyaanka ee gumeesanin, wadanka waxaa joogi jiray carab oo ganacsato ah, sanadka marka oo ahaa 1830meeyadii. Wadanka markaas waxaa ka talin jiray 3 boqor, oo lakala dhaho, (Bugandha), (Kitara) iyo (karagwa). . Sanadka marka oo ahaa 1860meeyadii wadanka waxaa soo galay gumeesti yaashii ingriiska. Gumeestihii ingriiska waxoo qabsaday Kenya iyo Ugandha, waxaana la isku dhihi jiray (ingriiska bariga afrika).waxaana la kala qeebiyay sanadka marka oo ahaa 1902.

Wakhtigii Xornimadasanadka marka oo ahaa 1950meeyadii, wadanka waxaa laga dhisay dimoqaraadi, waxaana la sameeyay Xisbiyaal iyo kongris. 1962 raiisul wasaaihii ugu horeeyay ee yugandha waxoo noqday Apollo Milton Obote, waa markii ee Ugandha xornimada heshay. 1972 waxaa dhacday doorasho kadhaxeeso Obote iyo Yoweri Museveni, doorashadaas neh waxaa ku guuleestay obote, isla markaas neh dood aa dhacday, Musveni waxoo ka dacwooday in ee doorashadaas xaqdarro ee eheed. Sanadka marka oo ahaa 1986dii waxaa madaxtinimada ku guuleestay Musveni oo ilaa hadda oo madaxweyne yahay.

Post a Comment

 
Top