Qoraal waxuu xanbaarsanyahay, una sheegaa qofka aqrinaa wax uusan afka/codka u sheegi karin, maqalkuna markay maqlaayaan sida saxda ah u dareemi karin erayga lagu yiri micnahiisa. Markaad warqad jaceyl aad u qoreysid qofka aad jeceshahay, 

waxaa laga yaabaa in adiga erayadu miisaan weeyn kula laheeyn, macaanka iyo quruxda ay aqrista qalbigiisa, indhahiisa iyo maskaxdiisa ku reebi doonaani adiga marnaba kugu reebin. Markay qofkaan aqrineyso warqadaan, waxeey dareentaa nabad gelyo nafsi ah,

Waxeey ku celcelisaa aqriska warqada, oo hal mar iyo laba mar kuma filno, markastane oo ay aqrineysane xasuus iyo micno cusub ayeey ka dhex aragtaa warqada, kala maqnaasho iyo kala fugaansho kastane waa hilmaansiisaa qalbiga qofta, naftuna daawo iyo difaac weeyn ayeey ka dhigataa. Sidaas darteed aqriste waa qayb ka mid ah badbaadada jaceylkaaga DHANBAALKA JACEYLA/WARQADA! ee ku dadaal in aad qortid, adigoo miir qaba, oo faraxsanan!!

Fikradaada hoos ku Qor

Post a Comment

 
Top