Inta aadan Rabbi caasin ka feker , janada iyo wuxuu Rabbi u diyaariyay dadkeda iyo kuwa adeeca warkisana

maqla waxaysan Il arag ,dhagna maqal ,qalbina aan ku soo dhicin , Raaxo tii u Sareysay ayaa loo diyaariyay Ahlu janada , qof walboo naga midana waa jecel yahay raaxo, laakin qof walba waxaa ku haboon inuu is waydiiyo sidee ku heli kartaa raaxadaa , Jawabtu waa sahal Waa adigoo Rabbi amarkisa qaata anana ka soo celin war, Yirahdana , Rabiyow ku maqlay Kuna yeeelay, Raaxo walba haday waqti go,an leedahay lama dhihi karo waa raaxo waayo waa wax go,aya,  oo aadan ku jireyn waligaa , laakinse tan Janada waa ka duwan tahay , waaa lagu waarayaa , lagama guuraayo lagamana geeriyoonaayo , lagamana gaboobaayo, Allaahu Akbar , ilaahow janadada nagu maneyso , amin,

Wax lagu raaxesyto oo dhan haday tahay cunto haday ahaan lahayd cabitaan iyo dhar, iyo wax Walboo nafta farxad galiya Indhuhuna ku doogsadaan buu Rabbi dhigay janadaa ka feker janada caradeeda miskiga ah, dhismayaasheda dahabka iyo fidada iyo LU,lU a , ah , cabitaankeda ka macaan malabka , udgoonkedu yahay misk, kana qabow kaafuur, hawenkeda hadii loo soo saari lahaa mid ka mida wajigeda aduunka ay iftiimin lahayd sida qoraxda , Allow Meshaa kuwii aad ku manaysato naga yeel , camalkii na garasiin lahaana kuwa ku sameeya aduunka naga yeel amin., khamro aan lagu sakhraameyn , adegayaal u eg , LU.LU. la daadiyay. faakiho aan kala go.ayn loona diiidayn . waxaa intaa kaga daran Xuural caynta ,,Maxaad ka ogtahay Xuural cayta,,Sariro korkood bay iskaga shekaysanayan , Qof walbow intadan Rabbi caasin bal xasuuso nimcooyinkaa iyo sidaa ku heli lahayd , kuna dadaal inaa ka soo laabato macsiyo walba si Alaah kuu geeeyo barwaqadaa iyo janadaaa qaaaliga ah ,Janadu waa qaali wxiii qaali ahna waxa lagu helaa waa dadaaal iyo daaacad joogto ah 

Post a Comment

 
Top