Warqada Aqoonsiga
magaca: ina nabi Adam
Jinsiyada : Ciid laga abuuray
meesha laga helo: dhulka
meesha uu ka tegayo :nolosha aduunyo.
ku socda::Qabriga iyo aakhiro
waqtiga la tegayo lama yaqaano.
marada u ku sii labisan doono cadaan weeye
goorta diyaaraadu la kacayso la garan maayo.
shandadiisa wixii ugu jira ee anfici doona
waaa sadaqad jaari ah cilmi uu dad sii baray ama awlaad wanaagsan oo uu ka tegay.
waa safar aad u dhib badan oo fog laga garan maayo halka uu ku danbayn doono.
waxxaase safarkan fududeeya waxayaabaha wanaagsan ee hoos ku qoran
salaada ,sooontaa wanaag farista xumaan reebida dikriga Illaahay oo la badsado iyo xumaanta oo laga fogaado, 

Post a Comment

 
Top