Mareykanka Af-Ingiriis United States of America ama Gobolada Isku Tegay ee Ameerika markii la soo gaabiyo USA waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana Bartamaha waqooyiga Ameerika. Waxay ka koobantahay 50 gobol. Waxaa ka xiga dhanka waqooyiKanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika.
Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka waa dawlada Afaraad ee ugu balaaran xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah.Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Doolarka mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.

Post a Comment

 
Top