Allah Ayaa iska leh mahad dhaman Naxariis iyo Nabadgalyo ha ahaato Korkiisa Rasuulkeena Subanaa (scw) Intaa ka dib

Intaadan Rabbi caasin qof walboow ka feker arimo badan oo aad qaafil ka tahay , laakinse xususin mudan , mar walba inaa qalbiga ku hayso ah ,
Alaah oo la caasiyaa waxaa ka imaanaysa dhibaatooyin badan , macasidu waxay qofka dhaxalsisa qalbiga oo ka madoobaada , (Inal Macaasii Tumiitul Qalbi) marka uu qofku ka madoobadadana waxaa dhacda inuu qofku kala garan waayo wixiii xumaa iyo wixii samaa, siduu noo sheegay Rasuulka ,(SCW) inuu qofku markuu macsida Daaimo oo uu joogteeyo , mid markuu ka baxana mid kale guda galo. waxaa qalbigiisa ku sameysanta dhibic madoow.haduu ka toobad keeno waa laga tiraa hadu ku noqdana sidoo kale waa lagu qoraa , markuu joogteeyana waxaa dhacda inuu qalbigii ka madoobadaa , markaasna noqdo , qof aan kala garan wanaag , iyo xumaanba , .

waxaa kaloo ka mida dhibaatooyinka macsida , Inuu risiqii ka yaraado ama nicmadii uu haystay waayo, sida la yiri,(Inal Macaasii Tuziilu Nicam) , Tasna waxaa cadeynaya sideey culumadu shegaan , in Nabi Adam, (CS) Markii hore inuu ku dhex jirey Barwaqo iyo janada , ka dib markuu cunay geedkii la yiri ha cunin shaydankina u qurxiyay in laga soo saarey wuxuuu ku sugnaa , ,
Waa hal macsiya , inaguna intaa waxan dhax dabalanaynaa macaasi , inagoo waliba yareysanayna
oo leh , waa la iga macsi badan yahay , ma anaaba wax sameeya . Macsidu yareysi ma leh walalayaal , waaayo hadaa yareysato oo tiraahdo wax weyn man sameyn waxay ku gaarsiinaysaa inaa marka danbe tan weyna kula yaraato , ha eegin marna Macsida yaraanteeda ee waxaad eegtaa Kan aad caasinayso weynaantiisa , Subxaanah,,

WQ:Najma S Cabdi 
February 14, 2007
Khadijahome

Post a Comment

 
Top