Tusmooyin kooban ee Nebi Muxammed (NNKH)
-------------------------------------------------------
1- Waxaa la iigaga fadilay nebiyada lix wax yaabood:
a- Waxaa la isiiyay ereyada wax badan kulmiya ee macnaha badan
gudbiya.

b- Waxaa la iigu gargaaray argagax cabsiyeed oo cadawgeyga kusii
dhaca.

c- Waxaa la ii baneeyay qaniimooyinka.
d- Dhulka waxaa la iiga dhigay masjid iyo mid wax dhaahirinaya.
e- Dadkoo dhan ayaa leysoo diray.
f- Nebiyadana waa leygu khatimay.
Waxaa weriyay "Muslim".

2- Waxaa dhab ahaantii idiin yimid rasuul idinka dhexdiina ka yimid ayna
ku adag tahay wax walba oo idin dhibaya idinlana dadaalaya,
Mu'miniintana u turaya (Surat tawbah).

3- Anigu waxaan garanayaa dhagax igu salaami jiray Makka intaa leysoo
bixin waan garanayaa hadda. Waxaa weriyay "Muslim".
4- Anigu waxaan ahay qofka ugu horeeyay ee shafaaca qaadaya jannada
dhexdeeda, waxaanan ahay nebiyada ka ay ugu badan yihiin dadka
raacaya. Waxaa weriyay "Muslim".

5- Ilaaheey wuxuu iga yeeshay wadeey (saaxiibtinimo aad u xeel dheer),
sida uu Ibraahimba uga yeeshay wadeey. Waxaa weriyay "Muslim"
6- Anigu waxaan ahay sayidka bani-aadamka oo dhan maalinta qiyaame,
waxaan ahay qofka ugu horeeya ee uu qabrigu ka kala dhanbalmayo
(loo soo horbixinayo), waxaanan ahay qofka ugu horeeyay ee
shafaaco qaadayo iyo qofka ugu horeeya ee laga shafeeco aqbalo.
Waxaa weriyay "Muslim".

7- Waxaan imaan doonaa albaabka Jannada maalinta qiyaamaha, waxaanan
dalbayaa in leyga furo, waardiyaha ayaa wuxuu igu dhihi "Waa
kuma?" waxaan dhahayaa waa Muxammed, wuxuu igu oranayaa
"adigaa la ifaray inaan kaa furo" kamana furin cid adiga kaa
horeeysay. Waxaa weriyay "Muslim".

8- Aniga waxaan leeyahay magacyo badan waxaan ahay Muxammed
iyo Axmed, waxaan ahay Al-maaxi (kan Ilaaheey uu ku tirtirayo
gaalnimada), waxaan ahay Al-xashir (kan uu Ilaaheey dadkoo dhan
gadaashiis soo kulminayo), waxan ahay Al-caaqib (kan uusan ka
dambeyneynin Nebi), waxaa weriyay Termidi & Axmed
(Bukhaarina mid la mid ah ayuu werinayaa lambar 3268)




Post a Comment

 
Top