Bal nimankaan barafasoorada ah ee iyagana aduunka aadka looga yaqaan ee ku takhasusay cilmiga caafimaadka, bal eeg waxa ay nebigeena iyo diinteena ka sheegeen markii ay ogaadeen in Nebi Maxamed(nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)) uu kun iyo afar boqol oo sano kahor ka waramay wax yaabaha ay hada ogaadeen.
Dr T.V.N Persaud, waa barfasoor aad aduunka looga yaqaan una dhashay wadanka Kanada, wuxuu uu qoray ilaa 22 buug, waxa la siiyey bilad dahab sharafeed loo siiyey heerka sare ee uu ka gaadhaay cilmiga caafimaadka, waxa uu yiri sidan:

Waxaa la iisheegay in Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ) uu ahaa nin iska cadi ah, waxba an akhriyin, waxna aan qorin, misna waxa aan ka hadlaynaa kun iyo afar boqol oo sano ka hor, waxa uu sheegay arimo saynis ahaan sax ah oo hada aan ogaanay, suurta galna aanay ahyan in waqtigiisii la’ogaado, wax fursad isaga iman karana maaha, sidaa darteed, wax muran ah kama qabo arimahani in Muxamed waxyi loogu sheegay oo ay xaga Allaah uga yimaadaan”.


Post a Comment

 
Top