Jamhuuriyadda federaalka ee jarmalka ama Jarmalka waa wadan u dhisan dhinaca federaalka, waxoona ka koobanyahay 16 Gobol.Wadankaan waxoo ku yaalaa Bartamaha qaarada Yurub, waxoona xad la wadaagaa wadamada FaransiskaDenmark,LuksemburgBeljim,Holland,switzerlandAustriya,Jamhuuriyadda Czech iyo Boland. Magaalo madaxda wadanka waa Berlin.wadanka jarmalka markiisa hore woo kala qeebsanaa, waxeena isku keentiisa ee dhamaatay 1871dii, dagaaladii aduunka kii labaad ayaa wadanka jarmalka la kala qeebiyay ka bilaabato 1949kii ilaa 1990kii, waa markii oo wadanka mar kale midoobay. Jarmalka waxoo leeyahay Taariikhda ugu dheer ee qaarada Yurub.Wadanka jarmalka waxaa degen dad gaaraayo ilaa 83miliyan oo qof, waa wadanka ugu dadka tirada badan qaarada Yurub, waana wadanka Ugu dhaqaalaha xoogan qaarada Yurub, Dhaqaalaha jarmalka waa dhaqaalaha sadaxaad oo ugu weyn aduunka, waxoo ku xigaa mareykanka iyo Jabaan. Wadankaan waa wadanka ugu dhoofiska badan matoorka qaarada yurub.

Post a Comment

 
Top