In aad adiga iyo qofka aad nolosha wadaageeysaan aad Illaah isa soo xasuusisaan, iska dukataan, Illaah isku baridaan waa wax aad u wanaagsan, gargaarka Illaahna markii dhibaato dhexdiina imaato si degdeg ah ayuu inkugu soo gaari doono. Is xasuusta Rabi waxeey dejisaa qalbiyada, waxeeyna qalbiga biliaandanka gelisaa naxariis, jaceyl iyo kalsooni oo Illaah iyo qaddartiisa ku qabo. Isla markaas qofka Illaah ayuu u mahadcelshaa, asigoo ku faraxsanahay nolosha oo adiga kula noolyahay. 

Ka waran hadii ay xaaskaaga/ninkaaga kuu kiciso/wargeliso salaad kasta, ayadoo si naxariis leh kaaga codsaneysa in aad hurada ka kacdo, ama shaqada aad heeysid aad daqiiqadu Illaah dartiis u joojiso? ma ilbiriqsi ka macaan ayaa nolosha kugu soo mari lahaa? Labada qo food oo isjecel hadii ay noqdan waxa ay ka fekraan noloshooda adduunkaan oo kale ah waxaa deriskooda noqon doona SHAYDAAN, waxuuna ka shaqeeynaa sida oo iskugu deri lahaa, oo gurigooda u guban lahaa, wax damiyana loo weeyn lahaa. Bal adiga feker maxaad XAYAWAANKA dhantaa markaad fekerkaaga iyo rabitaankaga ku soo koobtid, shaqadii laga heli lahaa lacagtii guriga iyo raashinka la cuni lahaa iyo meeshaad shahwada/jirka baahidiisa ku gudan laheeyd (Galmo)? WAXBANE! Xayawaanka ayaaba kaa fiican adiga ileen Illaah xayawaanka aqli ma siinin, masuuliyadna kama saarin naftiisa iyo cidkalaba!
 Illaah is xasuusiya markaad barwaaqeysantihiin si Illaah idinku gargaaro, oo idin soo xasuusto markaad dhibaateysantihiin oo aad u baahantihiin gargaarkiisa! 

Post a Comment

  1. Waxba kama wanaagsana lamaanahan oo kale

    ReplyDelete

 
Top