Qof qalboow imisaa noolaanaysaa 60sano, 70 sano , 80, 100sano, ka dibna maxaa xiga waxa xigaa waa la wada
ogyahay Waa Mowt. mowtka ka dibna waa jano iyo barwaaqded ama naar kulul iyo biyaheeda kulul ,Ilaahay baan ka magan galneee, q,of walbow ogow in mowtku sida qayrkaa uu ugu yimid inuu adna dariiqa kugu soo jiro , ogow si kastoo noloshu u dheeraato inay tahay mid dhamanayso maalin , waa Ayaamo iyo sanado iyo daqiiqado, ka dibna waxaad noqonaysaa kaligaa asxabtii ehelkii maalkii ,ma jiro doono waa kaligaa iyo camalkaaga ,
Bal sawiro isagoo uu kuu yimid Malakul Mowtkii naftaadana ka soo bixinaayo lugahaaga . xususo mugdiga qabriga iyo cidladiisa . xususo labada malag sidey u egyhihiin. markay ku soo fariisiyaan kuna waydiiyaan, Su.aalo kuwaasoo hadadan hader diyaarin jawabtooda ay kugu adkaanayso inaa ka jawaabto markaa ,,, xususo siduu noqon doono jirkaagu wuxuu u noqon doonaa cunto waa aboorka , ka dibna la afuufo suurka waa dhawaqii Rabbi la iskugu soo bandhigi lahaa, markaana aad maqasho mid dhawaqaya qalbigaaguna duulo, madaxuna ciroobo, aad na soo baxdo adoo caga cad qaawana , imisaa oranaysa Alla shababnimdaydiiyeey , imisaa oranaysa kuwa gaboobay Alla gabowgaygiiyey, Qof walbo Maxaa Rabbi ugu jawaabi doontaa markuu ku waydiiyo maxaa ku sameysay shababnimadadii cumrigagii dhamaan , maaalkaagii, , maxaa camal soo hormarsatay, maaxaa ugu talagashay maalintaan oo kale oo aad u soo diyaarsatay, markuu ku dhaho maxaa iskaga kay ilaalin wayday? maxaa iiga xishoon wayday , ,? waa su.aalo adag uuna ka jawabi karin qof hader jawaabtedii sii diyaaraiya mahee , walal, miyaadan u sabreyn maalmahaan yar ee nolosha aduunka daaacada Rabbi iyo inaa macsida iska ilaaliso , si aad ugu guuleysato guushaa weyn ((Faman suxsixa cani naar wa,udkhilal Janata Faqad faaz)) iyo raaxadaa iyo barwaaqadaa joogtada ah
WQ:Najma S Cabdi
February 14, 2007
Khadijahome.com
WQ:Najma S Cabdi
February 14, 2007
Khadijahome.com
Post a Comment