Soomaaliya (Carabi: الصومال‎ aṣ-Ṣūmāl) ama Jamhuuriyadda Soomaaliya(Carabi: جمهورية الصومال‎ Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa wadan ku yaalla Geeska Afrika oo deris la ah JabuutiItoobiya iyo Kiinya.
Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl) (waxaa hore loo oran jirey

Sidii uu u bilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa. Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dawlad federaal lagu sheego taasoo dastuurkeeda aan laga helin ogolaasho xagga shacabka ah caalamkuna aqoonsanayahay hase yeeshee aan weli awood u helin in ay wada hanato maamulka dalka, waxayna ku koobantahay caasimada Muqdisho. Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda Soomaaliya waxay sababeen in caalamku u aqoonsado Wadan Fashilmay, wadanka aduunka ugu saboolsan iyo wadanka aduunka uguhalis badan.

Waqtiyadii hore Soomaaliya waxay ahayd xarun ganacsi ahaan muhiim u ah aduunka[2] waxaana raadraaca taariikhdu xusaysaa in dhulka hadda Soomaaliya loo yaqaan uu ka mid yahay aaggii Dhul Udug.[3][4] Waqtiyadii dhexe waxaa Soomaaliya xoog ku lahaa imbaradooriyado ay ka mid ahaayeen Dowladii Ajuuraan, Muwaladiintii Yemen ka timi Saldanadii CadalSaldanadii Warsangeli. Dhammaadkii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad waxaa Ingriiska iyo Talyaanigu soo galeen dhulalka xeebaha ah ee Soomaaliya halkaasoo ay ka asaaseen Dhulka Biritishka ee Soomaaliyaiyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya[5] oo loo kala baxshay dhulalkii ay qabsadeen. Dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday qabsashada gumeysiga waxaa ka mid ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo afar jeer jebiyeyIngiriiska, haseyeeshee waxaa Daraawiishi jabtay 1920 markii Ingiriisku u adeegsaday diyaaradaha dagaalka, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo loo adeegsado diyaaro dagaal.Jabkii Daraawiishta ka dib, Talyaanigu wuxuu si buuxda ula wareegay qaybtii uu Soomaaliya ka gumeystay 1927, halkaas oo ay haysteen illaa 1941 ka dibna waxaa kala wareegay maamulkii millaterigaee Biritishka. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ku sii nagaaday ilaalada Biritishka halka Koonfurtuna ay sugeysey madaxbannaani.

1 Luulyo 1960kii waxaa fadhi baarlamaan oo uu gudoominayey Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf lagu ansaxiyey midnimadii Soomaaliya, waxaana labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur ku midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana xukunka qabtay dawlad shibil ah oo Madaxweyne ku-meel gaar ah loogu doortay Mudane Aaden Cabdulle Cismaan.[6] 1969 waxaa afgenbi millateri xukunka kula wareegayMaxamed Siyaad Barre wuxuuna asaasay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Dawladdii Siyaad Barre waxay burburtay 1991, waxaana qarxay dagaal sokeeye.

Post a Comment

 
Top