Somaliland ama Jamhuuriyada Soomaaliland (Af-Carabi أرض الصومال) waa dowlad ka go'day Soomaaliya inteeda kale 1991dii balse aan weli caalamka ka helin aqoonsi buuxda.Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Jabuuti,Itoobiya iyo maamulka kale ee Puntland. Somaliland waxey kamid aheyd dhulkii soomaalida ee Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday gobolada koonfurta Soomaliya oo Talyaaniguguumeysan jiray.Sanadkii 1991 ayey Somaliland ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, waxayna la baxday magacaSomaliland magaalo-madaxna waxaa u noqotay magaalada Hargaysa.Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland. Waxaa ku xigeyMaxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Aminkan lajoogo waxa madaxwayne u ah siilaanyo.Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed sida KulmiyeWadani iyo UCID. Somaliland Waxa Soo Maray Saddex Madaxweyne oo Xukunka Isaga danbeyay Madaxweynaha Haatan talada haya waxa lagu soo doortay Doorasho dadweyne oo toos ah oo si xor uga dhacdey Somaliland dadka somaliland waxa ay mujiyen in ay yihiin bulsho nabadeed oo deriskooda nabad kula nool

Post a Comment

 
Top