Ka maaran dadka gacantooda waxa ku jira:-
inaad damaacido ama u baahato dadka gacmahooda waxa ku jira waxay ku dhaxalsiineysaa nacaybkooda,mid Ka mida dadkii hore ayaa la weydiiyey raasamaal maxaad haysataa,wuxuuna yidhi “waxaan rasamaal haystaa waxaan qurxiyaa muuqaalkeyga,

dadka gacmahooda waxa ku jirana waan ka maarmaa”, Sharaftuna waxay ku jirtaa ado ka maarma inaad dadka wax weydiisato haba yaraatee. Dadka sii ahmiyadooda:- hadii aad dooneyso inaad hanitido quluubta dadka sii qof kasta ahmiyadiisa,tusaale ahaan hadaad mid ka mida saaxibadaa aad falaqayneysaan mawduuc cilmiyeed oo mid kale oo idin ag fadhiya aad ku tidhaa saaxiib adna muxuu yahay fikirkaagu,waxaa hubaal ah inaad halkaa eray oo keliya aad ku kasban karto qalbigiisa,,waxaad kale oo aad ku kasban kartaa quluubta dadka ado sheega sifooyinkoda wanaagsan iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin,

Tusaale ahaan gabadh la yidhaa (Dorsi Degsi),ayaa ku sheeegtay maqaal ay leedahay in ay maalin la kulantay nin loo xidhay kiis ah inuu guursaday dumar faro badan,markii aan arinkaa wax ka weydiyey ayuu ku jawaabay “waxaan gursaday (233) xaas, waanan kasbaday quluubtooda anoo khiyaamo ku hantiyin,balse waxaan xooga saari jiray inaan gabadha uga sheekeeyo nafteeda, iyo muhiimada ay leedahay”,

Waxaad kale oo qofka ku kasban kartaa qalbigiisa ado sawirkiisa ama maqaal ama hadal uu leeyahay ku soo bandhiga qalabka warbaahinta sida joornaalada,habkana waxaa isticmaala qaar ka mida ururada iyo saxaafada,iyagoo qofka ay daneynayaan sawirkiisa ama maqaal ama hadal uu leeyahay ku soo bandhiga saxaafada taas oo keenta in qofkaasi ku soo dhowaado fikirka uu qabo urukani,waxaana xusid mudan in qof kastaa naftiisa u arko mid muhiima,

Tusaale ahaan yuhuudu waxay isku arkaan inay yihiin shacabkii alle doortay,dadka Jarmalka ahina waxay isku arkaan inay ka sareeyaan dadyoga reer Europe ee kale,dadka Hindida ahi waxay isku arkaan inay yihiin hogaamiyaasha caalamaka,carabtu waxay isku arkaan inay ka sareeyaan cajabta,qofka muslimka ahina wuxuu isku arkaa inuu ka sareeyo dadka aan muslimiinta ahayn(wuuna ka sareeya),

Hadaba qof kastaa wuxuu isku arkaa inuu muhiimad leeyahay adoo siiya muhiimadiisana waa dariiqa aad ku kasban karto qalbigiisa. Ha niyad jebin dadka:- qalbiga dadku waa quraarad oo kale,quraaradu haday jabtona lama hagaajin karo,hadaba iska ilaali inaad dadka qalbi jebiso waxaana haboon inaad adeegsato kelmado ay ku dheehantahay ixtiraam si aad qablbiyada dadka u hanato.

Amaan oo dhiiri geli dadka:- qofku sidiisaba wuxuu jecelyahay dhiirigelinta iyo amaanta wuxuuna necebyahay in la sheego ceebihiisa,dhiiri gelinta iyo amaantu waxay sii kordhisaa dedaalka qofka hadii ay run tahay tusaale ahaan Rasuulka(NNKHA)qaar ka mida asxaabtiisa ayuu ku lahaa “hadii la miisaami lahaa Iimaanka Abu-bakar wuxuu ka cuslaan lahaa caalamka”Rasuulku mar kale wuxuu lahaa “hadii nebi iga danbeeysa la soo diri lahaa,waxaa la soo dri lahaa Cumar bin khadaab”

Run ahaantii qofka muslimka wuxuu garanaayaa ahmiyada ay dadku leeyihiin iyo in la ixtiraamo aadanaha dhammaan

Wixii faalo ah ama rayigaaga hoos ku soo qor ..


Axmed maxamed muse
caalim44@hotmail.com kampala international university

Post a Comment

 
Top