Dhoolocadeyntu waa furaha wanaaga waana qufulka xumaha,waxaanay leedahay saameyn caajiiba,waana lama huraan qof kasta oo doonaya inuu kasbado jacaylka dadka inuu badiyo dhoolocadeynta.

Shirkada guuleystay qaar ayaa ku xidha shuruudaha shaqaalahooda inay badiyaan dhoolocadeynta,si ay u soo jiitaan una raali geliyaan macaamiishooda (customers). Rasuulkuna(NNKHA)wuxuu yidhi “walaalkaa oo aad u dhoolo cadeysaa waa sadaqo”

maah-maah ay isticmaalaan dadka chineska ah ayaa tidhaa “hadaadan ku fiicneyn dhoolocadeynta ha furan meherad” nin maamule ka ah warshad ku taal dalka Mareykanka oo sannadkii qaata mushahaf dhan($1000,000),ayaa yidhi lacagtan badan waxaan ku kasbaday dhoolocadeynteyda.

Nin ayaa la kulmay jilaa faransiis ahaaoo caan ahaa oo la odhanjiray Doul Karniij wuxuuna yihdi “wuxuu u muuqday nin aan soo jiidasho lahayn, oo aan bilicfiicneyn laakiin markii uu dhoolocadeeyey ayaan ogaaday firfircoonida iyo soo jiidashada uu leeyahay ee lagu jeclaaday filimadiisa,waxaan kaloo ogaaday hadaanu dhoolocadeyn badneyn wuxuu noqon lahaa nijaar ka shaqeeya faaradaha Bariisa”

Tusaalayaashan oo dhami waxay ina tusayaan muhiimada ay leedahay dhoolocdeyntu. dhoolocadeyntu waa ficil qof kastaa sameyn karo,balse waxaa adag in la kala garto inay tahay mid run ah iyo inay tahay mid been ah oo dadka lagu marinhabaabinaayo. Hasayeeshee shaki waxaanu ku jirin in dhoolocadeyntu ay leedahay fasir ama cabir ka xeel dheer ka muuqda. Jaamacada California macalin ka dhiga cilmu nafsiga ayaa 30 kii sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa inuu ogaado qiyaas ay leedahay dhoolocadeyntu,wuxuuna ogaaday caalimkaasi in dhoolocadeynta ay ka qayb qaataan xubno badan oo ku yaal jidhka. wuxuu kaloo caalimkani bilaabmay inuu baro garsoorayaasha maxkada sare ee Mareykanka hab lagu kala garan karo eedeysanaha beenta sheegaya iyo eedeysanaha runta sheegaya iyadoo la eegaayo dhoolacadeynta wejigooda.

Culimada Psychology-ga ayaa iyana isku raacsan in dhoolocadeytnu tahay wax dabiici ah oo qofku ku soo dhasho balse aanay ahayn wax layskaga deydo. Waxaana jira in dhoolocadeynta ay ku kala badan yihiin bulshooyinka caalamka ku nooli,tusaale ahaan bulshooyinka Jarmalka,Hindida,iyo dadka ku nool bariga fog ayaa la sheegaa in ay dhaqan u tahay ama aanay jecleyn in dadka kale dareemaan murugadooda,cadhadooda,nacaybkooda,ama dareenkooda aan farxadda ahayn iyagoo ku qariya dareenkaas dhoolocadeyn 


Waxaa kaloo xusid mudan in dumarku ay ka dhoolocadeyn badanyihiin raga,taas macneheedu ma aha dumarku raga ka farxad badanyihiin balse waxay aaminsanyin in dhoolocadeyntu tahay qaab ay ku muujin karaan qurxdooda korna u qaadi karta ilqabashadooda. Waxaana lagu tilmaamaa gabadha dhoolocadeynta badani inay kasbatay dhedignimo dhameystiran.,halka raga dhoolocadeynta badana lagu sifeeyo inay yihiin bulshaawiyiin. 

Waxaana hubaal in dadka aynu aragno sawiradooda iyagoo dhoolocadeynaaya ay ka soo jiidasho badanyihiin kuwa aan dhoolocadeyneyn. Dhoolocadeynta waxaa loo qaybiyaa dhowr qaybood oo aynu ka soo qaadan karno. == Dhoolocadeyn lagu cabiro dareenka farxada iyo kalgacaylka saa,idka ah,marka kasta oo farxada ama kalgacaylku sii bataba,dhoolocadeyntu way sii xeel dheeraataa. == Dhoolocadeyn been ah waana mid lagu qaldaayo ama lagu marin habaabinaayo dadka,waana ta ay badanaa muujiyaan dadk wax iibiya ee meheradaha haysta,shaqaalaha,shaqaalaha soo dhoweynta iyo dibloomaasiyiinta

Post a Comment

 
Top