Qaabka aadenuhu u nool yahay waa uu ka duwan yahay siyaabaha ay xayewaannada u nool yihiin, wuxuuna u dhaqmaa hab bulshoinimo. Saa darteed, waxaa la yidhaahdaa insaanku waa- madaniy u-dhabci- loona jeedo in uusan keli-keli u noolaan karin ee uu bulshaawi yahay. 


  • Bulshaduna waxay ka kooban tahay afraad isu tagtay, xidhiidhyo khaas ah ka dhexeeyaan,oo dano isweydaarsaday.Si aanay isugu xad gudbinan dantu ku khasab -tay inay yeeshaan nidaamyo iyo xeerar dadka kala haga nin walbana dawgiisa mariya. 

  • Nidaamyadaasuna waxay keensanayaan in qof walba uu bulshada ku yeesho xuquuq ay khasab tahay in loo gudo, isna inuu u doodo xaq u leeyahay. Isagana waxaa waajib ku noqonaya xuquuq ay dadyawga kala duwan ee bulshadu ku yeelanayaan, lagana doonayo inuu ka soo dhalaalo.


 Waxaana umadkasta aan laga waayaynin qaar aan xaqooda ku qancayn,se waxa dadka kale u hanqal taaga,iskuna daya inay sir iyo caadba ku helaan.Waxaanna la waayaynnin oo kale qaar aan oggolayn inay gutaan xuquuqda bulshadu ku leehay. 

Taasina waxay bulsho kasta ku laasiminaysaa inay samaysato dad khaas ah oo inta awood gaar ah la siiyo,loo xil saaro ilaalinta iyo hirgelinta nidaam nololeedka bulshadu isku waafaqday in lagu dhaqo. Dadkaas oo ah madaxda bulshada hoggaanka u haysa. Iyaguna waxay ummada ku yeelanayaan xuquuq ay ka mid tahay in la ixtiraamo lana adheeco,waxaana fuulaya waajib ah in awoodda xukun ee loo dhiibtay u adeegsadaan in ay ku fuliyaan nidaamka

Post a Comment

 
Top