Abuur kasta oo Alle uu uumay waxa uu siiyey talooyin iyo tilmaamo uu raaco, si uu u guto waajibaadka loo abuuray. Waayo, ma jiraan wax bilaa ujeedo loo abuuray.
Abuur kasta waxa uu wanaagiisu ku xidhanyahay hadba sida uu u ajiibo ee uu u raaco awaamiirta uu Alle faray. Shinada oo aynu aragnay qiimaha ay inoo leedahay iyo hawsha ay inoo qabato ee ah malab sameynta, maaha wax ay agteeda kala timi ama ay cid kale ka soo ergaysatay, waase amar (waxyi) Alle uga yimi.
Haddii ay inyar ka baydho, oo halkii laga amray in ay cunto midhaha iyo geedaha ay hilib ku badali lahayd waxa xaqiiqo ah in aanay wax manfac ah inoo lahaateen!
Bani Aadam ahaan waxaynu wareernay markii aynu garab marnay awaamiirta Alle, waxayna tani ina dhaxalsiisay dhibaatooyinka waaweyn ee aynu dhex dabaalanayno.
Si aynu u hagaagno una horumarno waxa haboon in aynu raacno talooyinka iyo tilmaamaha uu Alle ina siiyey ee nolosheena hore iyo ta danbeba aynu ku tanaadayno!

Post a Comment

 
Top