Carabi baa laga soo turjumay Xigmaddaan:

Assalaamu calaykum,
~ Waxaan bartay in jaamicadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa kaddib markaasaan wax barannaa.
~ Waxaan bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xigmad badan, ama dood yar ay udhiganto bil duruusteed oo kale.
~ Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.
~ waxaan bartay inay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado Diin-diin kusocda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa Deero kusocota dariiqa Khaladka ah.
~ Waxaan bartay in furaha khasaaradu uuyahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cidkasta.
~ Waxaan bartay in Camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.
~ Waxaan bartay inay-badan-yihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yaryihiin inta kudhaqantaa.
~ Waxaan bartay in khasaaradu aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba latijaabin.
~ Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah: a) Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo.
~ Waxaan bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.
~ Waxaan bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.
~ Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uuyahay: Sabirka iyo Waqtiga.
~ Waxaan bartay in ay lagama maarmaan tahay in qofku isku dayo inuu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.

~ Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyayn!
~ Waxaan bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada.
~ Waxaan bartay in geedkii miro-badani uuyahay kan dadku mar-walba hujuumo.
~ Waxaan bartay in dareenka wanaagsani uuyahay kii naftaadu kuqanacsan-tahay adigoo-ogsoon waxa aad samaysay inay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba hakugula colloobee.

~ Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno inay weeyn-yihiin oo adduunka yaal ay markii hore ku biloowdeen fikrad-yar, kana biloowdeen wax-yar.

Post a Comment

 
Top