Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyi, Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.

Post a Comment

 
Top