"waxaan kasoo guuriyey kitaabka Saxaabiyaat wasaalixaat xawla rasuul csw"

Wuxuu yidhi Sh. abu hazaar: waxay igu tidhi Umu dardaa radiyallaahu canhaa abuu hazaaroow makuu sheegaa waxa uuleeyahay maydka sariirta saarani. Waxaytidhi: wuxuu ku dhawaaqaa, ehelkaygiiyoow, jaarkaygiiyoow, iyo kuwa sariirta sidoow, yeyna aduunyadu idin sirin siday iisirtay, yeynana idinku ciyaarin siday iigu ciyaartay, reerkaygii shay igamay qaadin qaarkamida danbiyadaydiiye.

Bint bahluul aldimashqiya waxay tidhi Alle ha u naxariistee:
Nimcooyinku waa uun waheshada Alle {subxaanahuu watacaallaa}
Qofka qaafilka ahi wuu seexan oo ma tooso, saacadiisa ayna digriga Alle ku jirina dhadhan male. Waxay ku ducaysan jirta { illaahayoow laba haysoogu kay darin, inaan kuwaayo iyo cadaabkaaga}
Waxay tidhi Maryam basiirah: kuma hamiyin rizqi, iskumana dhibin dalabkiisaa ilaa markii aan maqlay Allaah {subxaanahuu watacaallaa} oo leh { wa visamaa’I risqukum wamaa tuucaduun}
Waxay tidhi Raabica al cadawiyah: Yaa ibna aadam inkale maahee adigu waxaad tahay uun maalmo tirsan, hadii uu tago maalini, waxaa taga qayb kaamida, waxayna u dhawaataa hadii uu tago badh kaamidi inuu wadda tago dhamaan, adoo og, ee markaa shaqayaso.

Cufayra bint waliid albaakiya: waxaa lagu yidhi habeenkii maseexatid, markaasay ooyday ooy tidhi, waxaa laga yaabaa inaan doonay inaan seexdo oo aanan awoodin, siduuba u gam’i karaa, midka uuna seexanayn ka ilaalinayaa habeen iyo maalinba. Waxaa kale oo lagu yidhi, miyaadan ka daalin oohinta, markaasay tidhi: siduu uga daalaa midka xanuunku hayaa shay uu ka rajaynayo in shifo ugu jirto.

Xasna saahida: waxay ahayd gabadh aad u qurux badan, haweenay ayaa ku tidhi guurso, markaasay tidhiXasna: ii keen nin saahida oo aan shay igu kalifin aduunyada kamida, umana malaynayo inaad awoodayso, Alle ayaan ku dhaartaye naftayda kuma jirto inaan aduunyo caabudo, lana raaxaysto raga dunida, hadii aan helo nin ooya oo iga oohiya, sooma oo igu amra, sadaqaysta oo igu baraarujiya, taas ayaan ku raaxaysan.

Maniya bint daariq alabaxrayniya: marka habeenku soo galo ayey odhan jirtay bikhin bikhin naftaydaay waxaa yimid farxadii(suruur) mu’minka, markaasay dharkeeda xidhanjirtay oo ay salad u istaagi jitay iyadood moodo sidii geed oo kale ilaa waagu kabaryayo
Waxaa lagu yidhi maad habeenkii hurdo ka dhigatid jidhkaaga dartii markaasay tidhi, madawga habeenku wuxuu ixasuusinayaa madawga qabriga ee seen useexdaa.

Caa’isha bint sacad: waxay aragtay gabadheeda oo ku faraxsan waxay haysatay markaasay ku tidhi
Gabadhaydiiyeey ha ku farxin wax dhamaandoona, hana ka argagaxin tagida, ku farax Alle Caza wajalla, kana argagax inaad ku dhacdo araga Alle Caza wajalla.

Xigasho : Aflax.net

Post a Comment

 
Top