SHEEKO NAXDINLEH

"Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda".

Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay ka warameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.

Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.

Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.

Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:

Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:

“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !”
Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.
Guriga ayaan tagey anigoo daalan oo layaaban arintan. Habeynkii oo dhan masaaxan.Waxaay igu noqotey yaab iyo amakaak!
Maalintii danbe markii aan kasoo baxey jaamacada ayaan kula kulmey hadana iridka isaga oo isugaya ii dhoola cadeynaya. Sidii sila’eg ayaan ugu cararey. Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale isoo weerarey oo aan kacararaayey ilaa aan kacaado yeeshey arintii.

Arintii sidaas ayey kusocotey maalinkastaba isaga oo soo jaraya masaafa ilaa uu markii dambe iisoo dhigey waraaq albaabka guriga. Aad ayaan ugu shakiyey qaadisteeda haseyeeshe waan qaadey aniga oo ay gacanta igariireysa. Marka aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa hadalo xanbaarsan jaceyl iyo isaga oo kacudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey intii uu idabataagnaa.

Warqadii ayaan jeex-jeexay oo aan tuurey. Waxyar kadib ayaa waxaa soo dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey inaan akhriyey waraaqda iyo inkale.
Haddii aad edebyeelanwaydo,waxaan usheegaya waalidkey waadna ogaan doontaa wixii kugudhaca” Ayaan ugu caga jugleeyey.

Wax yar kadib ayuu kusoo celiyey telephonekii. Wuxuuna bilaabey inuu isukey sharxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey inuu yahey nin hantileh. Wuxuu balan qackusiiyey inuu dhisidoona daarta uguweyn magaalada oo aan aniga ahey Amiirada kali ee degidoonta iyo inuu isiindoona wax alle iyo wixii aan ubaahda ee aduunyo ah. Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kale ee kaharey reerkooda ee nool manta oo aysanjirin cid kuheysato hantidaas faraha badan ee uu haysto oo waxa kamaqan aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.

Sharaxaad dheer kadib waan uqalbijelcay. Waxaana bilaabey inaan kadhageysta sheekada marka uu soo diro telephonada. Waxaan is arkey anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo diriwaayo murugooda. Iyo inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan arko ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.

Maalin anigoo kasoo baxay jaamacada ayaan kula kulmey albaabka isaga oo taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan bilaabey inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegna magaalada anagoo sheekeysaneyna.

Marka aan lajooga,waxaan noqdey sidii qof aan laheyn Ikhtiyaar sida uu ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiyo sababta aan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha.
Waxaan bilaabey inaan rumeysto dhamaan hadaladiisa gaar ahaan marka uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka dhow. Daar weyn ayaan kuu taagaya. Dunida oo dhan baan kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali……

Maalinmaalmaha kamid ah(Maalin madow) ayuu burburiyey noolasheydii sidey udhameyd! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada horteeda!

Sidii caadada aheyd ayaan islabaxney oo aan is raacney. Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley. Waana is garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna. 

Waxaan hilmaamey Xadiithkii Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digeyinaay nin iyo naag ajnabi kala ah meel cidla’ah wada fariistaan! Waxaan bilaawney inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa! Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa! Waxaan soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: “maxaad igu sameyneysaa? Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey adigoon imahersan? Ayaan kucalancaley! Waan kumahersandoona mardhow!” Ayuu iigu laabqaboojiyey!



Guriga ayaan aadey anigoo murugeysan;lugaha qaadila’a oo ooynaya! . Waxaa igushidmey dab jirka oo dhan. Gabalkii ayaa ii ayaa igu madoobaadey! Waxaan bilaabey inaan habeyn iyo maalin ooyo. Waxaan katagey waxbarashadii.Xaaladeydii ayaa sii xumaatey! Qoyskanigii ayaa igu wareerey ayagoo layaaban waxa igu dhacey!

Waxaanse isku samirsiiyey arintii uu ii balanqaadey ee guurka aheyd inuu fulindoona.Waqtigii ayaa dheeraadey ayadoo habeynka iyo maalinta ay iiga culustahey buuraha.Tolow maxaa kuxigidoona!
Waa tana balaayo kale oo kadaran tii hore! Telephone ayaa soo dhacey!Waa isagii oo aad mooda codkiisa inuu kasoo hadlaya meel fog. “Waxaan rabaa inaan kulano oo aan kawada hadalno arin muhiim ah” Ayuu iguyiri. Aad ayaan ufarxey anigoo uheysta inuu doonaya inuu nikaax sameynayo iyo aroos waliba!

Waxaan utagey isagoo aad moodo sheydaan wuxuuna igu yiri: “Waxaan kugu bishaareeynaya inaadan iga sugin wax guur ah waliga!Waxaan rabaa inaan kuwada noolaano sidaas” Dharbaaxo ayaan kaga soo qaadey ay indhuhu lasoo dhicigaareen! Waxaana usheegey inuuyahey nin akhlaaq laabe ah oo mustaqbal dooneynin.Waana katagey anigoo ooynaya!
“Waxyar isug!”Ayuu igu yiri. Waxaa gacanta ugujira Cajalad Video ah. Wuxuuna igu yiri sijees jees ah: “Taas ayaan kuburburinaya noolashaada” “Maxaa kuduuban” Ayaan weydiyey. “Kaaley oo arag waxa kuduuban. Waxaay kugu noqondoontaa layaab” Ayuu igu yiri.

Waan raacey si’aan usoo arko waxa kuduuban.Waxaan ku arkey dhamaan Faaxisho ahaa ee nadhexmarey markii aan guriga joogney! Maxaad sameysey Yaa Thaalim? “Camera ayaa guriga galiyey oo duubtey.Cajaladaan ayaan kuu heystaa oo aan kugu burburinaya haddii aad diidid waxa aan rabo!
Qayli iyo oohin horleh ayaan iskudarey waayo ceebtu waxaay ugudubtey qoyskayaga.
Arintii waxay kudhamaatey inaan ninkii unoqdo laheyste(Asiiraha) oo sida uu doona ii maamusha habeyn iyo maalin.Sifiican ayaan udabaashey.Waxaan kawareegey noolashii sharafta laheyd waxaana kuwareegey dumarka nooca liita. Qoyskayagana war umahayaan waxa dhacaya.

Cajaladii ayaa faaftey.Waxaay gacanta ugashey ina adeerkey. Arintii ayaa laba qaraxdey. Waxaa kawarheley waalidkey iyo dhamaan reerkayagii oo dhan.Waxaay usii gudubtey ceebtii oo ay qaadatey dhamaan magaaladii oo dhan. Gurigayagii waxa hareeyey ceeb.Waan dhuuntey si’aan ubadbaadiyo nafteyda.

Waxaa sidoo kale magaaladii kacararey dhamaan qoyskayagii oo dhan haseyeeshey ceebtiina kamaharin ee waa laguurtey.Waxay noqotey arintii midlooga sheekeysta majaalista. Cajaladii ayaa sii fidey oo gacanta ugashey shabaabka magaalada.

Waxaan kubiirey dumarka jirkooda kaganacsado anigoo murugeysan.Ninkaan wuxuu horey usoo baleeyey gabdho kale oo sideyda oo kale kaduufsadey schoolka. Waxaan go’aansadey inaan ka aargoosta oo aan kusameeya mid kaxun tuu igudhigey.

Maalin ayuu ii soo galey isagoo aad ucabsan.Waxaan u degdegey inaan kafaa’ideysto jaaniskaan. Waxaan caloosha kagaliyey toorey! Halkaas ayaan kudiley Insaan-shaydaankii. Waxaan kagaraaxeeyey dadkii uu dhibilahaa gadaashey!.

Waxaan uqorey sheekadaan si’aay ugunoqoto waano gabdhaha yaryar ee soo kacaya si’aysan ugukadsoomin hadalada jilicsan ee ay raga kusiraan dumarka.

Waxaan kusoo hordhigey sawir kaamil ah sidii aan uburburiyey noolasheydii iyo tii qoyskayaga.
Aabahey wuu dhintey isagoo kucalcelinaya: “ XASBIYA ALLAH WANICMALWAKIIL! ANAA QADBAAN ALEYKI ILAA YOWMUL QIYAAMAHA” MAA ASCABAHAA MINKALIMAHA.

Allah na astura waayo haddii usan na’asturin kuligeen waxaan nahey ceeb socoto.
Salaamulahi aleykum?
 Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: Dec 5, 2003

Post a Comment

 
Top