Waxaa ayadane muhiim ah in lamaanaha is qaba ay noqdaan kuwa is amaana, isdhiirigeliya, is taageera, xaalad walba oo qofka kale ku jirane ku kalsoon, oo u noqdo qof tuso karo in xaaladaan laga baxaa. Waxaa muhiim ah in aad qofka kalsooni ku abuuri kartid martki oo rajo dhigo, awoodiisa shaqsiga ah iyo dadaalkiisa wanaagsanne aad soo xasuusin kartid.

Sidoo kale in aad tahay qof qiran karo qaladkiisa, raali gelin ka bixin karo danbiga oo galay, iyo waxa looga fiicanyahay oo qofka lamaanahiisa ah kaga horeeyane inuu ogyahay, oo ku amaani karo, kuna dhiirigelin karo inuu horay u sii socdo, natiijo qurxeene ka keeno waa in aad tahay.Waxaan ogahay in lamaanaha is qaba oo soomaalida ah in ay yihiin kuwa inta badan aan luuqada isticmaalin, erayo macaan iyo waliba taageero naxariis iyo kalgaceel ka muuqata isa siisin, oo waxaan dhihi karnaa taas waxeey ka timid bulshadeena oo aan istusin, qaarkoodan ceeb u arkaan in ay sheegaan waxa qalbiyadooda ku jira, dareenka oo rabo ha ahaadee. Sidaas darteed aad baan kaaga waaninaa, kuuguna sheegaa in aad isticmaashid luuqadaada qaniga ah, oo aad u sheegtid lamanaahagaa dareenkaaga iyo aragtidaada markasta. Kuna dhiirigelisisd waxwalba oo ah horumarka familkiina, iyo naftiinaba.

Hoos ku qor rayigaaga 

Post a Comment

  1. :) in la is amaanaa oo leys tixgeliyaa waa waxa reerku u dhisan yahay ba waadna mahadsan tahay sxb

    ReplyDelete
    Replies
    1. waliba qoysku ma dhismaayo hadaan jacaylkan oo kale jirin

      Delete
  2. Sax walaal waa sida aad sheegtay

    ReplyDelete

 
Top