Aqoontu waa furaha  guusha, maxaa yeelay aqoontu waa iftiinka nolasha, waa miisaanka uu qofku ku kala soocayo guusha iyo guul darrada, samaanta iyo xumaanta, toosnaanta iyo qaloocnaanta. Qur,aanu inbadan ayuu Ilaahay ku amaanay aqoonta iyo dadka aqoonta leh, sidoo kalana inbadan ayuu ku ceebeeyay jahliga iyo dadkiisa.Ilaahay swt. aayado badan ayuu ku tilmaamay inay aqoonta iyo iimaanku isleeyihiin, sidoo kalana wuxuu isku jeel ka dhigay aqoon darada iyo haboowga (baadinimada).

Runtii sida aynu wada ognahay aqoontu qofka waxay geysaa meel sare sidaa daraadeed waxkasta oo aad is leedahay ku guulayso waa inaad aqoonteeda leedahay hadaanad lahayna waa inaad waayo aragnimadeeda leedahay,haday kugu cusub tahayna waa in aad raadsataa aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda adoo la tashanaya dadka aqoonta u leh hawshaa aad qabanayso.

Post a Comment

 
Top