Bismillahi Raxmani Raxiim..
 Maqaalkanu manta waxu ku socda {ABAHA}...
 Waxa jira qoysas badan oo dhibato ka dhex taagan maxa sababay dhibatadaqoysaska iyo burburka qoyska?Waxan filaya Sua'shaan jawabtedu maadka oo qof kasta wa fahmi kara sababta keenta dhibatada qoysaska iyo burburka.


wa maxay macnaha Aabo maxase loga raba?
 Abahu wa boqorka reerka hogaamiyaha reerka barbariinta ubadka daaryelka reerka..
 Aabaha waxa laga raba inu ubadkisa ka war qabo wa inu xidhiid la yeeshaiskoolkisa macalimintisa waxbarashadiisa, adiga iyo ilmahagu xidhiidfican wa inu idin dhex yala kala hadal ilmahaga wax barashadisa haday liidato wax barashadisa ha canaanan ee u deeji kuna boori inu dadalo, una balan qaad in abala mariin sineyso hadi uu wanagsanado wax barashadiisa oo u ku baaso intaxamka ka ilaali ilmahaga niyaad jaab iyo canaan..

 Ka war hay caruurtada ciday la socdan sida saxiibo xun adigo ku qaylinin(CANANAN).
 Ha ku eegin hooyada caruurta iyo gurigaba ee caawi noqo abo ficaan oo bulshada dhexdeda magac wanagsan ku leh qoysaskuna kugu daytaan.
Walalkeygiyow miyaadan ogeyn inaad tahay madaxa reerka adigana reerkagagacmahaga ku dhisan kara ama ku burburin kara ee ogow hadaad rabto in reerkagu wanag iyo degenasho ku dhisnado ka war hey waxi kuso kordha reerkaga iyo ubaadkaga siba Wilasha waxay noqdan sida abahood hadi u abahu yahay abo ehlu khayr ah dabci iyo akhalaq wanagsan diintisa ku dhaqmaya misjidka ku xidhan reerkisana ka war qaba waxa hubaal ah inu ilmahuna u marayo wadada abahi..
Aabaha xun ee masuliyada reerkisa dayaca?
 Waxa jira Aabooyin badan oo masuliyadi reerkisa dayacay oo ku odhanayahoyada aya masul ka ah caruurta iyo reerka aniguna wa inan masruuf kooda kaliya keena...Sida ma aha walalkeygiyow masuliyda kaliya hoyadu ma sarna ee way idin wada saran tahay masuliyada reerka iyo barbaarinta ubadkina, ilmaha hadu arko in u abaha guriga ka maqan yahay inta badan oo u ka war qabin reerka iyo awladaba waxu doonu ilmahu sameya hoyadana kama baqan waxu barta saxiibo xun wax barashadisana way liitada oo kuma dadalo waxa ilmaha ka luma kalsoonida waxu ilmahu ka fogaada dhaqankisa iyo diintisa. Markawalalkeygiyow intu ilmahagu jidka xun mari laha ka gaadh oo reerkaga iyo caruurdada ka war qab walalkeygiyow miyadan ogeyn inNabiga{salalaahu calayhi wasalaam} laga so wariyey xadiis aha qofkacaruurtisa adeeg suuqa uga keena wuxu la mid yahay qof sadaqo u keenay. Walalkeygiyow caruurtadu meesha ay maran adiga malinta qiyamah lagu waydinaya hadad caruurtada ku barbariso sida ugu wanagsan oo Alle(swt) ka rali yahay aduun iyo akhiro wad libanaysa, saw ma ogid walalkeygiyow walidinta marka ay dhintan in 2 su'aalood la waydiyo 1 caruurtada 2 camal kaga...Walalkaygiyow ogow awladada sidaad u barbarisay noqdane..
talo hoyoyinka ku socota..
walashaydiyeey waxan kugula talin inaad guursato nin ehlu diin ah(rag) Nabigena waxu yiri: salalahu calayhi wasalaam guursada kan ehlu diinta ah walashaydiyeey ilmahaga abo wanagsan u door oo ka fogow aabo aan reerkisa iyo awladisa ka war qabin walashaydiyey ogow hadii ninka aad guursanayso adan diintisa ku dooran oo aad ku darato maal qurux babuur iwm in gadaal dhibato badan kala kulmi shalaytina ay wax dareyniin.
Ha noqdo ninka aad guursanayso Aabo ehlu diin ah oo misjidka ku xidhan reerkisa iyo awladisana ka war qaba ah Aabo akhalaq iyo magac wanagsan bulshada dhexdisa ku leh waxa hubaal ah in u reerkagu farxad iyo nolol barwaqo ah ku noolan dono..Waxan Allaha swt ka baryaya qoysaskan dhibatadu ka dhextagan tahay inu nabad iyo kalgaceyl dhexdoda dhigo amiin amin..

Xigasho :: khadiijahome

Post a Comment

 
Top