Culimada dhanka technology-ada ayaa suura geliyay markii ugu horeysay in la sameeyo Robot u eg xeyawaanka Kangaroo lagu magacaabo ee qaarada Australia ay caanka ku tahay.
Robot-kan ayaa ku soconaya labada lugood oo dambe isagoo markasta ee uu rabo inuu dhaqaaqo uu boodayo.
Farsamada dheeriga ah ee Robot-kan lagu soo daray ayaa ah in uu leeyahay nidaam tamarta u dhaqaaleynaya oo markasta uu sare u boodo enerjiga uga baxa boodida mid la mid ah uu ka keydsanayo marka uu dhulka kusoo dhacayo.
Si kastaba ha ahaatee tartanka loogu jiro qalab casri ah oo faa’iido kusoo kordhiya caalamka ayaa ah mid xowli ku socda, ayadoo dhawaanahan aan fileyno in la soo saaro Robot-yo ka sii horumarsan kana faa’iido badan kuwa haatan caalamka yaala.
Sida caadiga ah Robots-ka waxaa looga faa’ideystaa in lagu soo sahmiyo meelo fog fog hadii ay ahaan laheyd dhulka Buuraha iyo waliba Hawada sare iyadoona xillida qaar loo diro Badda hoosteeda si loogu soo eego meelo aaney u suuragelyn Bani aadamku in ay gaaraan.




Post a Comment

 
Top