Iska yelyeelka dhaqammo kale oo aad daawatay TV ama wax la mid ah oo aanad aqoon cidda ka dambaysa iyo ujeeddada laga leeyahay, laakiin aad iska noqoto macmiil fiican, ama macaariif daawasho wacan, xogta ka soo baxda cid kasta oo xumaan wadda, iyaduna waxay galaafataa noloshaada dambe. Sidoo kale waxaad qoommamaynaysaa caafimaadkaaga, wanaaggii aad ummadda ku lahayd, waxaanad noqonaysaa qof ku faraxsan shisheeyaha oo fogeeya sokeeyaha. Tusaale ahaan haddaad daawato dumar is qurxinaya ama rag u labbisanaya si ay iyagu dan ka leeyihiin oo aad ku dayatid, waxay kugu keeni kartaa caafimaad darro, sida waxyaabha kiimikooyinka la xidhiidha ee ay dumarka qaarkood isku bilaan. Waxa kale oo ay keeni kartaa inaad naftaada u galaafato qof aad TV ka daawatay oo aanad kala aqoonnin in uu caafimad qabo iyo inuu xanuusanayo. Waa suurto gal inuu noloshiisa hore u qaaday xanuunno fogfog, se had loo soo kiciyay in fitanada ka soo horjeedda diinta Islaamka uu u faafiyo, lana rabo in looga faa’iidaysto waqtigaas kooban. Haddaanad se aqoonnin ciddii aad ku dayan lahayd, waxa aad ka hallaabaysaa abtirsiimadaada diimeed. Is qeex ma muslin baad tahay mise wixii ka soo hadha.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Post a Comment