Soow xad gudub maaha hooyadii maalin iyo habeenba caloosha kugu siday naaska kusoo nuujineysay saxarada kaa dhaqeysay markaad soo kortayna habeen iyo maalinba u taagneed sidii wax aad u baran lahed caafimaadkaaga ka fekereysay in sanadkii mar xaqeeda loo ogolaado inta kalana meelo geerida lagu sugu lagu xabiso?!!.
Hadii aaan nahay umada muslinka ah waxaa xaqa waalidka noo cadeysay shareecada islaamka oo na bartay in Rabiga na abuuray raali galintiisa aan ku heleyno raali galinta waalidka oo nolo shooda shareecadu waxa ay na bartay in ay tahay albaabkii janada o noo furan geeridoodana albaabkii oo xermay,sidoo kalana si gaar ah waxaa shareecada noo bartay in Hooyada cagaheeda hoostooda laga helo janada.

Waxaa weliba intaas dheer in shareecada islaamka hooyada siisay xaq ka weyn xataa xaqa Aabaha maadaama Hooyadu sadax jeer ka dhib badan tahay Aabaha oo hooyadu waxey caruurta ku sidaa caloosha ,ka dibna waa dhashaa ka dibna waa nuujisaa sadaxdaasna mid Aabaha waxba kuma laha sidaasaana shareecadu u dheeraad siisay xuqquqda Hooyada.


Post a Comment

 
Top